Sheekada Mid ka Mida Jabhadihii Soomaalida

Hadda waa salaad xafid. Qabow kastoo dhacayana waxa aad ku toosaysaa u-waysaysigiisa salaada Subax. Wuxu necebyahay wax kasta oo dembi ah; ha noqdo mid Alle laga galo ama mid aadame laga galo. Wuxuu aad u sii necebyahay inu maqlo beelo walaalo ah ayaa is dilaya.

Waxa aan damcay inaan ogaado sobobta. Waxaa igu maqaalo ah inu ku jiray jabhadihii dagaalladii sokeeye dagaallami jiray. Taas ayaa ii noqotay ibo-fur iyo albaab aan ka galo dulucda su’aalo dhawr ah oo aan waydiiyey.

Su’aalahayga waqti idinkaga ridi maayo. Jawaabihiisa ayaan sheeko ahaan idiinkula wadaagayaa:

“Xabbadda dhacaysa marka aan ka maqallo meel fog, waxa aan jeclaan jirray in aan daqiiqado gudohood ku gaadhno goobta dagaalka. Qoryaha iyo hubka aan sidanaa ma fududa. Haddana culayskooda maanu dareemi jirin. Gaadiid dagaalla waa nagu yaryahay. Waa lugta waxa aan maallaa intayada badan. Degtana qoriga ayaa sudhan. Qaarka sarena wixii saanad iyo rasaas uu u baahnaa ayaa noogu taxan. Orodka aan qaadno kamaanu nasan jirin ilaa aan dagaalka gunta u gallo. Marka xabbadu is qabsato, maqalkeedu waxa uu iiga macaanaa muusigga la dhegaysto.

In badan maxay mid agtayda ku jiray xabbadu la tagtay? In badan maxaan qaaday dhaawac? In badan maxaan mayd garbo ku duminay oon sidaa ku dhaafnay?”

Hadalkiisa oo dheeraa wuxu ku gaba-gabooday:

“Waxa aan maanta ka qoomamaynayaa ku-lug-lahaanshaha dagaalkaa. Waxa aan Ilaahay ka baryaa inu dembigiisa iga dhaafo.

Waxa aan Ilaahay uga mahad naqaa in aanu dagaalladaa igu dilin. Waayo haddaan ku dhiman lahaa waxa igu rumoobi lahaa xadiiska Rasuulkeena SCW ee ah ‘Laba Muslim haddii ay is dilaan ka la dilay iyo ka wax dilayba naarta ayay gelayaan’. Wax aan xabbaddayda toos ugu dilay ma garanayo. Laakiin Ilaahay waxaan ka rajaynayaa in sidaa uu iiga reebay kuwa dagaalladaa ku dhintay inu towbaddayda iiga aqbalo”

Waxaa xusid mudan inu hadda yahay mid ka mida ciidanka booliska ee Somaliland. Waxaa kale oo xusid mudan in xilliga aan waraysanayo uu dagaal ka dhex socday Somaliland iyo Puntland.

Waxa aan waydiiyey in uu dagaalka geli doono haddii la geeyo jiidda uu dagaalku ku dhex marayo Somaliland iyo Puntland.

Wuxu iigu jawaabay, in aanay dhici doonin inu dagaal laba qof oo Soomaali ah dhex maraya iska dhaafe, dagaal laba qof oo Muslim ah dhex maraya dib u geli doonin.

Wuxuuna intaa ii raaciyey inu maanta geli lahaa keliya hal dagaal. Waa midkabuu yidhi gaalo iyo lagula jiro oo keli ah. “Kaasbaan jeclaan lahaa inaan ku shahaado qaato” ayuu hadal kaga baxay.

Ilaahay ayaa quluubta rog-roga. Ilaahay quluubteenna ha ku sugo diinteenna suubban. Diinta ayay ku jirtaa guul aakhiro iyo mid adduunba.

Wabillaahi towfiiq.

Published by Dualeh

I am Somali. I love sharing Somali traditional stories and folktales and other personal experiences and ideas with you on my blog here.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: